Beeraleyda qaadka Kenya ayaa joojisay Dhoofinta Jaadkii ay keeni jireen Soomaaliya ka dib markii ay dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday qiimo cusub oo lagu iibinayo dalaggaas maan-dooriyaha ah.

Wararka ayaa sheegaya in Suuqa Qaadka ee Soomaaliya laga dareemayo hoos u dhac weyn kadib markii Beeraleyda ay hadda dalbadaan 3 Dollar halkii Kiilo ee Qaadka iyo ugu yaraan 1550 Doollar halkii jawaan oo Miirow ah, sida ay qortay shabakadda Kenya Times.

Advertisement

Beeraleyda qaadka Kenya ayaa dalbaday in qeymaha halkii kiilo laga dhigo $3, balse lacag ganacsatada Soomaalida ayaa arrintaas si weyn uga biya diiday, taas oo keentay ismari-waa ugu dambeyn keenay in la joojiyo dhoofintii Jaadka.

Guddoomiyaha ururka beeraleyda qaadka Kenya Rasta Karuiru ayaa dowladda dalkaas ka codsaday inay qaato tillaabo lagu fara-gelinayo qeymaya Jaad oo uu sheegay inay si weyn ugu dulmanyihiin, islamarkaana sidaas aysan waxba ku sii wadi karin.

Dhanka kale Wasiirka beeraha Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay qiimaha cusub ee ay dowladdu jaan-goysay in lagu iibiyo Miirawga loo dhoofiyo Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray, Kagwe wuxuu ku sheegay in qiimaha qaadka ka dib u eegis ay sameeyeen Guddiga arrintaas loo xilsaaray la go’aamiyay in halkii kiilo oo qaadka la iibiyo Ksh 1300 oo lacagta Kenya ah, halka horay ay u ahaan jirtay Ksh 700.

Qeymahan cusub ayaa ka dhigan in halkii kiilo oo qaad ahi uu Kenya uga imaanaya lacag ku dhow $6 dollar, taas oo canshurihii iyo dhammaan habraacyadii dhoofintu ay ka baxsanyihiin.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here