Dowladda Sudan ayaa Kenya ku cambaareysay marti gelinta kooxda fallaagada ah ee RSF, ayadoo magaalada Nairobi lagu qabtay munaasabad ay qeyb-galeen xubno ka tirsan kooxdaasi.
Dowladda Suudaan ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan si cad u xushmeyn waajibaadka Kenya ka saaran sharciga caalamiga ah, maadaama munaasabad lagu taageerayo ciidamada RSF, oo ah koox dagaal kula jirta militariga Sudan ayTalaadadii ku qabtay magaalada Nairobi, islamarkaana looga hadlay sidii dowlad looga dhisi lahaa deegaannada ay gacanta ku hayso RSF.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayay kaga digtay in tallaabadan oo kale ay kala dhantaalayso dowladaha Afrika, ayna xad-gudub ku madax-bannaanideeda, iyadoo sheegtay in ay Kenya faragelin ku haysa arrimaheeda gudaha Suudaan.
“tani waxay jebinaysaa Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika, iyo mabaadii’da la dejiyay ee nidaamka caalamiga ah ee xilligan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan.
Magaalada Nairobi ayaa Talaadadii lagu qabtay munaasabad ay dowladda Suudaan sheegtay in Kenya ay marti-gelisay, loogana hadlayay sidii maamul gaar ah loogu samayn lahaa deegaanada ay maamusho RSF.