WAJEER (DAYNIILE.COM)-Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay ismaamulka Wajeer kaasoo u dhexeeyay Alshabaab iyo Milatariga Kenya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii alshabaab ay wadada u galeen ciidamo kenyaan ah oo marayay duleedka tuulo hoos tagta ismaamulka Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari-Kenya,wuxuu socday saacado xili labada dhinacba uu khasare soo kala gaaray.

Advertisement

Sarkaalka u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Alshabaab islamarkaana ay cashir u dhigeen intii dagaalku socday.

Sarkaalka wuxuu tilmaamay inay 4 ka dileen kooxda Alshabaab kuwa kalana ka dhaawaceen,dhanka kenya waxaa la sheegay iyagana u hal askari ka dhintay midna ka dhaawacmay.

Dhanka Alshabaab wax war ah kama soo bixin intaan ka war heyno , dagaalkaan ayaa qeyb ah weeraro dhab-gal ah oo Alshabaabku mararka qaar ka geystaan deegaanada ku dhaw xadka Somalia iyo kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here