NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Booliiska  Dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ka baadi goobaya Kiimikooyin qatar ah oo saacadihii ugu dambeeyay u gacan galay qaar ka mida Shacabka Magaalada ku dhaqan.

Kiimikooyinkaan oo sun ah islamarkaana keeni karta dhimasho hadii qofku cuno ama xitaa sanka ka jiido ayaa galay gacanta shacabka markii gaari xamuul ah oo lagu siday uu rogmaday.

Advertisement

Shilka gaariga uu ku rogmaday wuxuu ka dhacay meel 35KM u jirta Nairobi gaar ahaan wadada isku xirta Nairobi iyo Nakuru oo ah halka ugu mashquulka badan.

Qaar ka mida sunta kiimikada ee gaarigu siday ayaa ku daadatay lamiga marka gaariga uu dhacay.

Saraakiisha Booliiska ee Dalka Kenya gaar ahaana kuwa Nairoibi ayaa dalbanaya in laga caawiyo sidii ay kiimikooyinkaasi uga bad-baadin lahaayeen shacabka madaama aysan aqoon u lahayn islamarkaana naftooda halis ku tahay.

Dowlada Mareykanka oo war ka soo saartay ayaa uga digtay muwaadiniintooda ku sugan Nairoobi marista wadada uu ku rogmaday gaarigii siday walxaha kiimikaad ah ee qatarta ah.

Saraakiisha Booliiska waxay xuseen in suntaasi ay ku jirtay kunteenar saarnaa gaariga rogmaday markaasoo shacab ku soo xoomay ay boobeen.

Magaca Kiimikada ayaa lagu sheegey  Sodium cyanide kaas oo ah khatar weyn oo wax dili karta haddii la liqo ama la nuugo xitaa xaddi yar oo ka mid ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Hay’adaha caafimaadka.

Booliiska iyo kooxaha caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in suntaani qatar weyn ku tahay xitaa deegaanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here