NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War dhawaan ka soo baxay masuuliyiinta Shirkada Kenya Airways ayay ku shaaciyeen inay joojiyeen duulimaadyadoodii Nairobi ilaa Muqdisho sababo ay ku sheegeen danta shirkada iyo sababo la xiriira caqabado hawleed.

Shirkada Kenya Airways waxay ku dhawaaqday in laga bilaabo 14-ka Bshaan Oktoobar 2024 ay joojiyeen shaqadooda duulimaad ee Muqdisho ilaa Nairobi.

Advertisement

Warar soo baxay ayaa sheegaya in shirkadu dhumisay rakaabkii ay qaadi jirtay kadib tartan adag oo ay kala kulmeen shirkadaha Soomaalida sida Freedom Airline Express ,Premier Airlines iyo Daallo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in shirkada Kenya Airways ay ku qasabto dadka wata baasa-boorka Soomaaliya inay iibsadaan tikidhada labada-jiho halka shirkadaha Soomaalida ay dadku xor u yihiin waxay ay rabaan inay iibsadaan.

Shirkadahaan Soomaalida ah waxay rakaabka u sameeyeen soo dhaweyn,u dhimrin iyo inayba iskala qabsadeen rabitaanka rakaabka Soomaaliyeed halka shirkada Kenya Airways ay u muuqato mid islaweyni kula dhaqanta Soomaalida iyagoo aaminsanaa in diyaaradooda la jecel yahay isamarkaana Soomaalida ay sidan rabaan ka yeelan karaan.

Kenya Airways kibirkooda waxay dhaxalsiisay inay suuqa ka baxaan ugu dambeyn markii Soomaalidu fahmeen in iyaga si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo baasa-boorkooda.

Kenya Airways kuma xisaabtamin dadka Soomaaliyeed inay yihiin dad isla qab-weyn balse waxayba iska dhaadhiciyeen in diyaaradoodu lacag badnida iyo dhaqan xumida intaba lagu raaci doono.

Si kastaba sanadihii ugu dambeeyay dadka Soomaaliyeed waxay ka soo kabanayeen burburkii Dowladii kacaanka , waxayna marba marka ka danbeeya ay soo ceshanayeen qabkii lagu yaqaanay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here