Virgil van Dijk oo shaaciyay goorta mustaqbalkiisa Liverpool la caddeyn doono xilli uu ku booriyay Reds inay dadaal badan sameeyaan si ay u hantaan horyaalka Premier League kadib niyad-jabkii Carabao Cup.
Kooxda Liverpool ayaa la kulantay laba guuldarro oo xiriir ah toddobaadkii hore, iyagoo laga badiyay kulankii Paris Saint-Germain tartanka Champions League iyo Newcastle United finalkii Carabao Cup, taasoo burburisay riyadoodii ahayd inay ku guuleystaan saddex koob.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Merseyside ayaa weli ah kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League, iyagoo 12 dhibcood ku hoggaaminaya miiska kala sarreynta. Kadib niyad-jabka labadan tartan, kabtanka kooxda Virgil van Dijk ayaa ku dhiirrigeliyay saaxiibadiis inay hubiyaan in xilli-ciyaareedkan uu dhammaado iyagoo qaaday koob.
Markii looga badiyay Wembley, Van Dijk ayaa wariyeyaasha u sheegay:
“Waa inaan xaaladdan beddelnaa. Sidan ayay kubadda cagtu u shaqeysaa: muddo shan maalmood ah ayaad laba jeer guuldarreysan kartaa, markaas dunidu way kula beddel meysaa. Labo toddobaad kahor wax walba waxey ahaayeen iftiin iyo farxad. Champions League ma aanan gaarin heer fiican, Carabao Cup waan luminay, FA Cup na waa nala reebay. Waxaan heysanaa sagaal kulan oo nooga haray horyaalka, mana u malaynayo in dhiirigelin loo baahan yahay si aan u dhammeyno shaqada.”
“Waxaad u ciyaareysaa abaalmarinta ugu weyn ee aad si adag uga shaqeysay ilaa bilowgii xilli-ciyaareedka. Qofna ma filayn inaan u tartami doonno Premier League. Waa koobka ugu adag ee la heli karo. Wax badan ayaa miiska saaran. Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo aan filan karno. Waa inaan si adag u shaqeynaa si aan ugu guuleysano. Hadda ciyaartoy walba wuxuu aadayaa dalkiisa si uu u ciyaaro, waxaana rajeynayaa inay taam ahaadaan. Kadib waxaan isku diyaarin doonnaa kulanka adag ee Everton ee April 2.”
Difaaca reer Holland ayaa sidoo kale bixiyay warbixin ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool, isagoo yiri:
“Kahor dhammaadka xilli-ciyaareedka waxaa jiri doona war ku saabsan mustaqbalkayga. Intii aan si buuxda ugu heelanahay shaqada i hortaalla, isla markaana aan jeclahay kooxda, waa tan ugu muhiimsan. Waa sida ay tahay.”