MAKHACHKALA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Jamhuuriyadda Dajestan ee  dalka Ruushka ayaa sheegaya in axadii shalay kooxo hubeysan dad badan ku dileen kaniisad halkaasi ku taal.

Maleeshiyo hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaday kaniisad iyo bar koontorool oo booliisku leeyihiin taasoo keentay in 15 booliis ah iyo qaar shacabkii kaniisada ka mida ay geeriyoodaan,

Advertisement

War ka soo baxay saaka aroortii Guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayuu ku sheegay in meelaha la weeraray ay ka mid tahay kaniisada masiixiyiinta mah-habta Ortodokis-ka iyo macbad-ka yahuudda iyo waliba jag-boynti Booliisku lahaa.

Weerarkaan dadka badan ku dhinteen wuxuu ka dhacay Magaalada Makhachkala oo ah  caasimadda gobolka Dajestaan, Mana jirto ilaa iyo hada sheegatay weerarkaasi.

Sidoo kale war ka soo baxay Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada ee Ruushka ayaa ku tilmaamay weerarka Axadii Kaniisada lagu qaaday mid argagaxiso.

Mashaqada dadka badan lagu laayay kadib Gobolka Dajistan oo Muslimiinta Ruushka ku badan yihiin waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo maanta ka bilaabaneysa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagestan, Russia: Gunmen kill police, priests in attacks on churches,  synagogues and police stations in Derbent and Makhachkala - Simbaforkids

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here