Sawir laga soo qaaday biyaha Kanaalka

BUENOS AIRES (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Argentina ayaa sheegaya inuu dhiig isku badalay biyaha  Kanaal ku yaal xaafad ka tirsan caasimadda Argentina ee Buenos Aires.

Dadka ku dhaqan xaafadaasi ayaa cabsi iyo argagax ka muujiyay dhacdadaani ay kalarka biyihii isugu badaleen dhiiga.

Advertisement

Khamiistii ayay dhacdadaani bilaabatay kadib markii dadku mar qura arkeen arintaani xili biyahaani dhiiga isku badalay ay ku qulqulayaan jiinka webiga Rio de la Plata.

Sida Idaacada BBC-du sheegtay midabkaani dhiiga isku badalay ayaa ka dhashay daadinta dheeha dharka, ama qashinka kiimikaada ah ee kaydka u dhow.

Sababta keentay isbeddelka midabka ee kanaalkaan waxaa durba baaritaano ka sameynaya Wasaaradda deegaanka  ee dalka  Argentina, bayaan ay soo saartay ayay wasaaradu ku sheegtay inay   muunado biyo ah ka soo qaaday kanaalka Sarandí si loo ogaado.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkado maxalli ah ay ku daadiyaan kanaalka qashinka sunta warshadaha,  kuwaasoo  dhex mara dhul lagu farsameeyo hargaha iyo warshadaha dunta meel aad ugu dhaw caasimadda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here