MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Koox Kaluumeysato ah oo ka mida kuwa ka shaqeysta xeebaha Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdisho ayaa nolol iyo geeri lagu la’yahay mudo bil ah.
Kalluumeysatadaan oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 10 rag ah ayaa la sheegay inay kala wateen ilaa 4 doomood oo nuuca kaluumeysiga kuwaasoo wararka horu dhaca ah ee la helayo ay sheegayaan inay saameyn ku yeelatay dabeylo xooggan oo ka jirey badda.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in matoorada doomanka ay cilado ku imaadeen cimilada oo xumaa darteed, sidaasna ay keentay in la waaayo kaluumeysatada waqtigii ay kaluunka keeni lahaayeen kadibna gabi ahaantood la waayay islamarkaana ay hada sii maqan yihiin mudo bil ah.
Maaha markii ugu horeysay oo sidaan oo kale la waayo kaluumeysato iyadoo mararka qaar ay dhacdo in nolol lagu helo mudo kadib iyagoo gobolo ama dalal kale xeebahooda ku caariyaan sidey u sabeynayaan halka mararka qaar ay sidaas ku dhintaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM