Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya.

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.May be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people, helicopter and textMay be an image of 5 people, motorcycle and textMay be an image of 6 people, aircraft and textMay be an image of 12 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people, motorcycle, helicopter and textMay be an image of 10 people and crowdMay be an image of 10 people and aircraftMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and aircraftMay be an image of 7 peopleMay be an image of 10 people, people studying, table and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here