Kalluumeysato Soomaali ah oo muddo badda lagu la’aa ayaa ugu dambeyn laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka, ka dib markii doomihii ay saarnaayeen cilladi ku timid, baddana maalmo dul sabaynayeen.
Raggan oo ka koobnaa ilaa 11 kalluumeysato ah oo muddo ka ban bil lagu la’aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa si kala gaar gaar ah todobaadkaan looga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka.
Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka baxay xeebaha ku dhow magaalada Muqdisho, qaar kamida ah dadkii ay xirfad wadaagga ahaayeen oo warbaahinta VOA-da la hadlay ayaana tilmaamay in xaaladdooda caafimaad ay hadda wanaagsantahay.
Kalluumeysatada ayaa dhibaato kala kulmaya xilliyada ay baddu kacsantahay, ayagoo mararka qaar dalal fog fog ka dhaca siday biyaha u dul sabaynayaan.