XIGASHO LAACIB.NET
Xiisadda u dhaxaysa Barcelona iyo Real Madrid ayaa cirka isku shareertay ka hor finalka Copa del Rey, kaddib markii taageerayaal labada kooxood ah ay gubeen funaanado ciyaartoy caan ah.
Wax walba waxay ka bilaabmeen markii taageerayaasha Real Madrid ay gubeen funaanadda xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, iyaga oo muujinaya caro iyo nacayb ay u qabaan ciyaaryahanka.
Falkan ayaa daba socday eedaymo cunsuriyadeed oo lagu qaaday Yamal intii lagu guda jiray El Clásico-gi ugu dambeeyay, taas oo Real Madrid iyo La Liga labaduba si cad u cambaareeyeen, islamarkaana ay bilaabeen baaritaanno rasmi ah.
Iyagoo si degdeg ah uga jawaabaya, taageerayaal Barcelona ah ayaa iyagana la arkay iyaga oo gubaya funaanadda xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappé.
Fiidiyowyo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya muuqaallo ay taageerayaasha Barcelona ku gubayaan funaanadda Mbappé, taas oo markale muujisay sida ay xamaasadda iyo xurguftu u sii kordhayso.
Dhacdooyinkan ayaa iftiiminaya xifaaltanka qotoda dheer ee labada kooxood u dhexeeya, iyadoo la ogyahay in mar kasta oo ay kulmaan ay xiisad gaar ah jirto.
Maadaama finalka Copa del Rey la sugayo, mas’uuliyiinta iyo madaxda labada kooxood waxay ugu baaqayaan taageerayaasha in ay muujiyaan anshax iyo ixtiraam, si loo hubiyo in ciyaarta lagu xuso hab nabadeed oo qurux badan.