whitebackground600
HomeCiyaaraha"Kabtanka England Harry Kane waxaan dareemayaa in aan la i qadarin."

“Kabtanka England Harry Kane waxaan dareemayaa in aan la i qadarin.”

Harry Kane, oo 31 jir ah, waa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda xulka England, wuxuuna isku dayi doonaa inuu kordhiyo goolashiisa 69 marka ay England Jimcaha la ciyaarto Albania kulanka furitaanka isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Wembley (19:45 GMT), ciyaarta ugu horreysa ee tababaraha cusub Thomas Tuchel.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu si aad ah u dhaliyay goolal England, haddana Kane wuxuu la kulmay dhaleeceyn saxaafadda Jarmalka kaga imaaneysa, halkaas oo uu Bayern Munich ugu dhaliyay 76 gool 82 kulan oo uu u saftay.

“Waxay la mid tahay markii [Cristiano] Ronaldo iyo [Lionel] Messi ay la imaan jireen tiro goolal waali ah, kadib xilli-ciyaareedka xiga ay dhalin jireen 40 gool halkii ay ka ahaan lahaayeen 50. Dadku waxay u arkayeen xilli-ciyaareed xun,” ayuu yiri Kane.

“Dadka waxay la qabsadeen oo laga yaabaa inay iga caajiseen xitaa England. Waxaan dhaliyay 69 gool, marka aad ka dhaliso Albania ama Latvia, dadku waxay filayaan, sidaas darteed looma hadal hayo sidaas u badan.

“Haddii aan 25 jir ahaan lahaa oo aan sidaan sameynayo, xiisaha la igu qabo wuu ka duwanaan lahaa midka hadda jira. Waa qeyb ka mid ah kubadda cagta. Waxaana arkay ciyaartoy kale oo sidaan oo kale la galay 30-meeyadooda.

“Laga yaabee in dadku ay caajisaan wixii aad sameyso, balse anigu ma caajisin. Waan ku faraxsanahay kulamadan iyo kulamada nagu soo aadan.”

Kane oo doonaya Ballon d’Or

Michael Owen ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleysta Ballon d’Or sanadkii 2001.

Laakiin Kane wuxuu aaminsan yahay in u wareegistiisa Bayern Munich 2023 ay siisay fursad uu ku hanan karo abaalmarintan qiimaha badan ee la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka sannad kasta.

“Kaliya ku biiristay kooxda Bayern Munich waxay iga caawisay inaan sare u qaado kalsoonidayda iyo masuuliyaddayda,” ayuu yiri Kane.

“Waxaan dareemayaa inaan si dhab ah u wanaagsanaaday, horumar sameeyay, waxaana laga yaabaa in ‘ixtiraamkayga’ ciyaaryahanimo uu ka sareeyo sidii hore, sababtoo ah waxaan ka qeyb galayaa kulan waaweyn, habeenno waaweyn.

“Waan dareemay xilli-ciyaareedkii hore, waxaan dhaliyay in ka badan 40 gool, laakiin dabcan ma aanan ku guuleysan Ballon d’Or sababtoo ah ma aanan qaadin koobab kooxeed.

“Fursadahaas way jiraan. Taasi waa waxa aan ula jeedo marka aan leeyahay in ixtiraamkeyga heer caalami uu sare u kacay.

“Si aad u hanato abaalmarintaas, waa inaad ku guuleysataa koobab kooxeed oo kugu filan si laguugu tixgeliyo, waana inaad dhalisaa 40 gool ama ka badan. Xilli-ciyaareedkan taas waa suurtagal.

“Runtii waa wax aan jeclaan lahaa inaan isku dayo inaan gaaro.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments