MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xooga Dalka Somalia Gen.Madey Nurey Shiekh Uforow ayaa maanta wuxuu garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada muqdishu ku soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania Sareeye Guud Salim Hajji Othman.
Somalia ayaa sanadihii ugu danbeeyay ka soo kabaneysay burburkii Dowladii kacaanka waxaana marba marka ka danbeeya uu caalamku ku qancayaa amniga iyo horumarka dhanka Dowladnimada ee ilaa xad ka jirta Somalia gaar ahaan caasimada oo ah xarunta Dowlada Somalia.
Sarkaalkaan ka socda Dalka Tanzania ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato saraakiisha ugu sareysa ciidamada ooga Dalka inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho xili Somalia iyo Tanzania ka wada tiran yihiin Dalalka Ururka dhaqaalaha Bariga Arika.
Sidoo kale Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa isna qeyb ka ahaa soo dhaweynta sarkaalkaasi ka socda alka Tanzania.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM