Jubbaland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayadoo si weyn u bogaadisay howlgallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Macawisleydu ka wadaan deegaanada Hirshabeelle.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri”
Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Advertisement

Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladdaha xubnaha ka ah, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalkeenna.

Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doonno guulo waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa muhiim ah in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad u siin kooxaha argagixisada inay dib isu abaabulaan, taas oo dhaawacaysa dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo horumarka dalkeenna.

Dowladda Jubaland waxay ku baaqaysaa midnimo iyo wadajir qaran, si argagixisada looga ciribtiro dalka, taas oo lagu gaari karo nabad iyo horumar waara”.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here