maamulka Jubbaland uu shir Gudoomiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa inta badan waxaa laga soo saaray qodobo eedeymo kulul loogu jeediyay Dowladda federaalka kadib dagaalkii ka dhacay Baardheere iyo Colaad ay hadda ku eedeeyeen Dowladda inay ka hurinayso meelo kamid ah Gedo.

Kulanka golaha ayaa lagu cambaareeyay faragalin ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku haayo gobolka Gedo taas oo ay ugu danbaysay weerarkii ay ciidamada Dowladda ku qaadeen xarunta Degmada Baardheere iyo Saldhiga Booliska Degmada Isla Markaana halkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida lagu sheegay bayaanka laga soo saaray fadhiga Golaha Wasiirada Jubbaland.

Advertisement

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digay abaabulka hubaysan ee ka socda Degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo kuwaas oo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato masuuliyada wixii ka yimaadana waxa ay sheegeen inuu qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay sidoo kale Golaha ay sheegeen in cidda Dowladda Federaalka ay xayiraada duulimaad ay kusoo rogtay kaliya yihiin Shacabka balse Madaxda Jubaland ay meesha ay rabaan u safraan.

Dhinaca kale Golaha wasiirada Jubaland  ayaa  bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here