Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo lagu jaangooyay khidmadaha waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare, ayadoo soo saartay qeymo lama dhaafaan ah oo laga qaadayo ardayda heerarka kala duwan ee waxbarashada ku jira.
Ujeedka amarkan loo soo saaray ayaa lagu sheegay looga golleeyahay in la fududeeyo helitaanka waxbarashada, culaysyadana looga yareeyo waalidiinta carruuryoodu ay dugsiyada dhigtaan.
Wasaaradda Waxbarashada Jubaland waxay shaacisay in lacagta laga qaado ardayda dugsiga sare laga dhigey $12, halka dugsiga hoose dhexe lagu kala jaangooyay $6 iyo $8 oo keliya.
Goobaha waxbarashada dhulka Soomaalida ayaa lagu dhaliilaa kala duwanaansho dhanka lacagaha ardayda laga qaado ah, taas oo aan ku salaysnayn awoodda dhaqaale ee waaliddiinta carruurta.