WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka  Joe Biden ayuu ku shaaciyay inuu mar kale u tartami doono xilka uu hada hayo doorashada Mareykanka ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan.

Joe Biden ayaa hadalkaani jeediyay xili baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu faafiyay inuu tartanka isaga hari doono oo uusan awood u lahayn inuu mar kale tartamo.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Biden uu shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada una cadeeyay inuu yahay musharax mar kale u taagan xilka u sareeya dalka ee uu iminkaba ku fadhiyo.

Taageerayaasha Xisbiga uu ka tirsan Joe Biden ee Dimoqraadiga ayaa wal wal iyo cabsi soo wajahday markii uu Madaxweynuhu bandhig aan fiicnayn ka sameeyay doodii dhawaan uu la yeeshay Madaxweynihii isaga ka horeeyaye ee Donald Trump.

“tartanka kama baxayo, waan kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka” ayuu yiri Joe Biden oo taageerayaashiisa la hadlaayay si uu ugu xaqiijiyo inuu isku kalsoon yahay

lama oga in xisbiga Dimuquraadigu ku qanci doono in Joe Biden uu u noqdo musharaxooda ay kala hor tagayaan Xisbiga kale ee Jamhuuriga kuwaasoo wata Donald Trump.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here