MOMBAI (DAYNIILE.COM)-Sida ay tabiyeen warbaahinta gaar ahaan kuwa Dalka India waxaa gurigiisa lagu weeraray shalay Jilaaga ama atooraha caanka ah ee Saif Ali Khan waxaana jirta dhaawacyo soo gaaray qeybo ka mida jirkiisa.
Nin ku hubeysan toorey ayaa qolkiisa ugu galay kadib markii guiga Jilaaga mid ku dhagan uu kaga soo booday, Camira-da CCTV ayay Booliisku ka arkeen tuhmanaha weerarkaani geystay oo aan la aqoonsan madaama uu wajiga duubtay.
Booliiska ayaa hada baaritaano wado madaama uu baxsaday burcadka weeraray Jilaa Saif Ali Khan.
Atoorahaan waxaa la dhigay isbitaal waliba xaalad halis ah ayaa lagu tilmaamay caaimaadkiisa dhaawaca gaaray darteed.
Qoyska Jilaaga oo ka hadlay ayaan soo hadal qaadin wax cadaawad ah iyo isku day dil balse waxay ku sheegeen dhacdadani inay ahayd kaliya iskuday burcadnimo mana jirto cid kale oo dhibaato ka soo gaartay weerarkaasi.
Booliiska ayaa kiiskaani u xilsaaray ilaa 10 koxood iyagoona durba sheegay in burcadka la aqoonsaday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement