MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan ka soo xiganay Idaacada Shabelle Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in dalku iyada u baahan yahay balse aysan iyadu waxba uga baahneyn.
“aniga dalka isagaa ii baahane waxba ugama baahni sababtoo ah shaqadeyda iyo hufnaanteyda ayaan la iiga maarmin”.ayay tiri Gudoomiye Jawaahir oo inyaasi ku dartay in inay hooyo tahay islamarkaana ay ilmaheeda uga soo tagtay si ay dalka ugu adeegto.
Sidoo kale waxay sheegtay in xilka ay heyso uu ka qaadi karo Duqa Muqdisho islamarkaana ku heyn kara.
Jawaahir oo ka jawaabeysay hadal heyn dhanka baraha bulshada oo xilkeeda ku saabsan ayaa carabka ku adkeysay in xilka ay heyso uu yahay mid Dowladeed si gaar ahna ay uga mid tahay Maamulka Gobolka Banaadir.
“aniga xilkeygu maaha sida kuwa hay’adaha NGO-yada laakiin waxaan u shaqeeyaa Gobolka Banaadir waxaana hoos tagaa duqa Muqdisho, hadii shaqadeysa aan qabsan waayo isagaa xilka iga qaadi kara, waxaan aaminsanahay inaan ahay gabar shaqadeeda ku ad-adag”ayay mar kale tiri Jawaahir.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM