GAROWE (DAYNIILE.COM)-James Swan sii hayaha xilka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Dani wuxuu kaga hadlay wixii ay isla soo qaadeen.

Sarkaalkaan wuxuu xusay in waxyaabihii uu kala hadlay Dani ay ku jirtay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii wada-shaqeyn ee ka dhaxeeyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Advertisement

Wakiilka QM James Swan wuxuu ugu baaqay labada dhinac  inay inay qaadaan talaabooyin ku soo nooleynayaan xiriirkoodii wada shaqeynta ee ka dhaxeeyay xili la ogyahay in Puntland tahay maamul hoos taga Faderaalka.

 

“shacabka ayay dan u tahay in dhinacyadu ka gudbaan khilaaf kasta oo u dhexeeya, waa in la helaa hab lagu wada shaqeyn karo”ayuu yiri James Swan oo shalay Garowe kula kulmay Saciid Dani

Sarkaalkaan wuxuu sidoo kale amaanay doorashooyinka Dowladaha hoose ee ka qabsoomay Puntland,wuxuu tilmaamay in Saciid Dani ka wada hadleen dhan kasta sida siyaasadac,amniga iyo horumarada.

“Qaramada Midoobe way ku caawineysaa Soomaalida sidii ay u sameyn lahaayeen horumarada dhanka siyaasada iyo amniga”ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale mar uu si gaara uga hadlayay amniga Puntland ayuu ku amaanay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Alshabaab gaar ahaan dagaalada Buraha Gobolka Bari ay puntland kula jirto kooxahaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and the Oval Office

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here