Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa shir dhanka Taleefoonka ah wuxuu la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Shariif Sjh.Axmed.

Masuulkaa oo dhawaan Qaramada Midoobe ay soo magacowday ayaa kala hadlay Farmaajo iyo Shariif arimaha siyaasada dalka iyo xaaladihii ugu dabbeeyay gaar ahaan dhanka isbadalada siyaasadeed.

Advertisement

Wuxuu la soo qaaday ahmiyada koowaad in la siiyo mar kasta Dowladnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed wax kasta oo la isku hayo marka la eego madaxda hada xukunka heysa iyo kuwii heyn jirey intaba.

Sidoo kale Wuxuu kala hadley sidii loo sii wadi lahaa horumarada iminka la gaaray iyo tiigsada horumarada kale.

Kulankaan qadka teelka ayaa imaanaya xili maalmo ka hor Soomaaliya ku guuleysatay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka Qaramada Midoobe.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here