Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Jadon Sancho iyo in ay dib ugu celiso kooxda Man United laakiin xiddiga ayaa ka sheegayaa in uu doonayo in uu ku laabto Borussia Dortmund.
Sancho, oo 24 jir ah, ayaa soo maray xaalad adag tan iyo markii uu ka tagay Dortmund kuna biiray Manchester United 2021.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii Bundesliga, waxaana Old Trafford ku xayiray tababarihii hore ee kooxda, Erik ten Hag, ka hor inta uusan amaah ugu biirin Chelsea xagaagii.
Dhawaan ayaa la shaaciyay in Blues ay dib ugu laaban karto go’aankeedii ahaa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga waase haddii ay diyaar u tahay inay bixiso 5 milyan oo ganaax ah.
Qaab ciyaareedkiisa aan is badalka lahayn Ayaa keentay in ay shaki galiso Mustaqbalkiisa laakiin Sancho ayaa doonaya in ku laabto Borussia Dortmund.
Bild ayaa sheegaysa in rabitaanka xiddiga garabka ka ciyaara ee ah inuu ku laabto Dortmund, halkaasoo uu amaah ku qaatay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore, ay ‘soo kordhayso’ maalinba maalinta ka dambeysa. Waxa kale oo la sheegay in uu maamulkiisa u gudbiyay codsi ah in uu ku laabto Borussia Dortmund.