Danjirre Muuse Maxamed Cumar oo ka tirsan Wasaaradda arimaha dibada Dalka  Jabuuti ayaa jawaab culus ka bixiyay war ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Ruto wuxuu sheegay in Afrika ay fursad weyn iska lumisay markii la dooran waayey Raila Odinga tartankii loo galay hogaanka Midowga Afrika.

Advertisement

Masuulkaan Jabuuti u hadlay ayaa ka dhawaajiyay in warka Ruto uu gaf ku yahay dhamaan madaxweynayaasha Afrika ee doortay Jabuuti kuwaasoo ahaa tira ahaan ilaa 33 Madaxweyne oo uu ka mid yahay Xassan Sheekh Madaxweynaha Somalia.

“Dalalka Afrika waxay xaq u leeyihiin inay dooraan cid ka saari karta caqabadaha haysta ⁰”ayuu yiri Danjirre Muuse Maxamed Cumar

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in Madaxda Afrika ay iska dhego-mariyeen in Midawga Afrika uu noqdo madal u afduuban siyaasadaha gudaha Kenya.

“Afrika waxay u qalantaa wax ka fiican Raila Odinga,”ayuu mar kale yiri Danjire Muuse oo Jabuuti u hadlay islamarkaana qoraalkiisa ku faafiyay bartiisa X.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here