Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo kaashaneysa Jaamacadda Carabta ayaa Muqdisho ka furtay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta dhallinyarada ee kor u qaadista Afka Carabiga, maadaama ay tahay luuqadda labaad ee dalka.
Dood cilmiyeedka waxaa ka qeybgalaya Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya, khubaro ku xeeldheer Afka Carabiga iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.
Advertisement