BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida dagaal yahanada ajaanibta ah ee ka bar bar dagaalanta Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka soo qabteen goboka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle.

Ninkaan  oo u dhashay Dalka Itoobiya gaar ahaan ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ayaa si gaar ah looga soo qabtay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.
Ninkaan Itoobiya ayay ciidamadu sheegeen in jirkiisa ay ku qoran tahay caalamadda Tattuu oo ay sameystaan inta badan dadka aan muslimka ahayn.
Deegaanka laga soo qabtay Ninkaan Oromada ah waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socdey howlgallo ka dhan ahaa dagaal yahanada kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and henna
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here