WAJAALE (DAYNIILE.COM)-Dowalada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirtay xadka ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan dhanka Waqooyi ee Maamulka la baxay Somaliland sababo ay ku sheegeen dagaaladii dhawaanahaan ka dhacayay tuulada Dawacaleey degmada Harshin ee dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ma sheegin waqtiga uu xadkaani xirnaan doono sababo ay amniga ku sheegeen xili isku socodka uu muhiin yahay gaar ahaan dhanka ganacciga.
Sidoo kale xariga Itoobiya ee xadka waxaa oo lagu macneyn karaa talaabo ay kaga hor tagayaan in shacabka reer Somaliland ee degan deegaanka Dawacaleey aysan helin wax gurmad ah hadii dagaaladu soo laabtaan.
Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan kaasoo u dhexeeyay ciidamada Liyuu Booliis iyo shacab hubeysan oo ka soo jeeda asal ahaan dhanka Somaliland islamarkaana wax ka dega kilinka 5-aad Itoobiya.
Shalay oo u danbeysay deegaanka Dawacaleey waxaa ka dhacay dagaal culus oo xitaa ay ku sigteen odayaal nabadoono ah oo rabay inay xaliyaan colaada kuwaasoo xabadu bilaabatay iyagoo markaasi sii galaya deegaanka/.
Dhanka kale waxaa Magaalada Jig jiga maanta gaaray wadi ka socda Maamulka Somaliland kuwaasoo halkaasi u tagay xal u helida sidii dagaaladaasi aysan u soo laaban lahayn iyo in sidoo kale xal loo helo dadkii shacabka ahaa ee ay laayeen ciidamada Liyu Boliis-ka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM