Waxaa sii kordhaya xiisadda ka jirta Gobolka Geeska Afrika, War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Itoobiya ayaa lagu eedeeyay Soomaaliya – waxaana lagu sheegay warka in Soomaaliya ay la heshiishay waxay itoobiya ugu yeedhay dhinacyo shisheeye oo isku dayaya in ay gobolka xasillooni darro ka abuuraan.

Warsaxaafadeedka cidna laguma magacaabin laakiin sida la sheegay diyaaraddo ciidan oo laga leeyahay masar ayaa talaadadii kasoo degay gegida diyaaradaha ee Muqdisho. Waxaana sidoo kale muddo dheer jirtay xiisad u dhexeysa Itoobiya iyo Masar oo ku aadan biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ka dhisayso Webiga Niil.

Advertisement

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya aysan marnaba gacmaha is dul saaran doonin, iyadoo kooxo kale ay xasillooni darro ka wadaan gobolka.

Masar ayaa iyaduna u muuqata inay ku lug yeelanayso arrintan. Waxayna in badan ka ka soo horjeedday biyo xidheenka Itoobiya ay ka dhisayso webiga Nile. Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkan si weyn isugu soo dhawaaday ka dib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Dowladda Masar ayaa la sheegay in talaadadii ay Soomaaliya gaarsiisay gargaar milateri sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here