Masuul u hadlay dalka Itoobiya ayaa mar kale saxaafada u sheegay inay ka go’an tahay sidii ay bad ku heli lahaayeen ama ku gaari lahaayeen, wada kastana ay u marayaan.

Nebiyu Tedla oo ah Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa sheegay inay ku socdaan sidii ay ku heli lahaayeen hab la isku haleyn karo oo ay ku gaaraan Badda.

Advertisement

Dowlada Itoobiya waxaa ka go’an sidii ay bad ku heli lahayd nuucey doonto ha noqotee xeelad ama xoog halka Dowlada Somalia ay mar kasta ku cabaneyso inay Itoobiyaanku ku xad-gudbeen madax banaanideeda dhuleed.

Shirkii Turkey ka dhacay mar uu ka hadlayay Afhayeenku wuxuu sheegay in loo balamay wareeg 3-aad taasoo dib la isugu iman doono.

Khilaafka sii balaaranaya ee u dhexeeya Somalia iyo Itoobiya iyo War isku tuur tuurkaan wuxuu bilowday kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Maamulka Somaliland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMEthiopia

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here