Itoobiya waxay sheegtay in sanadka 2022 Taariikhda Itoobiya marka la gaadho taasoo ah 5 sajo kadib ay dooneyso iney yeelato ciidanka cirka ee ugu balaadhan uguna awooda badan guud ahaan Qaarada Afrika, Taliyaha ciidanka cirka ayaa sidaasi sheegay.

Itoobiya waxay dooneysaa iney kamid noqoto sedexda wadan ee milatari ahaaan ugu awooda balaadhan Afrika, waana sababta ay u sameysatey 10,000 oo askari oo ciidan baddeed ah iyadoo aan badd lahayn maxaa yeelay cabirada lagu qiimeeyo awoodaha milatariga waxaa saldhig u ah Dalku inuu leeyahay sedex ciidan oo awood miisaanan leh (dhul, cir iyo badd.)

Advertisement

Khuburada milatarigu waxay isku raacsan yihiin in wadan aan lahayn sedex ciidan oo miisaanka awoodoodu isdheelitiro ay marnaba suurogal unoqoneyn inuu noqdo awood goboleed buuxa.

W/Q:  Shardiid Macalin.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here