Milatariga Israel ayaa sheegay in ay weerareen goobo ku yaala Yemen oo ay maamulaan dagaalyahanada Xuutiyiinta, oo ay ku jirto xarun koronto oo u dhow caasimadda Sanca, iyo dekedaha Xudeyda iyo Ras Ciisa.
Dhowr qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan iyadoo milatariga Israa’iil ay sheegeen markii dambe in ay wali ka go’an tahay fahamka xabbad-joojinta ee Lubnaan.
Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, oo loo yaqaano MSF oo magaceeda la soo gaabiyo Faransiiska, ayaa ka digaysa xaalad masiibo ah oo soo wajahda bukaannada iyadoo isbitaallada Gaza ay ka dhammaadeen shidaalkii korontadda.
Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo waaberigii Jimcihii, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 46,006 Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 109,378 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM