Ciidamada Yuhuuda ayaa maanta shacab badan waxay ku xasuuqeen marinka Gaza gaar ahaan Rafax kadib duqeyn diyaarado iyo taangiyo ay fuliyeen.

Xaalada Gaza  waxaa maanta lagu tilmaamay maalin adag oo naxariis daran.

Advertisement

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in duqeymaha maanta ugu yaraan 25  falastiiniyiin ah lagu dilay, 50 kalena lagu dhaawacay weerarro ay Israa’iil ku qaadday teendhooyin ay deggan yihiin Falastiiniyiin ka soo barakacay deegaanka Al-Mawasi, oo u dhow Rafah, oo ku taal koonfurta gobolka xeebta.

Dhacdo kale, hay’adda difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay daabuleen tiro dad ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymaha Israa’iil ee deegaanka al-Shakoush, ee waqooyi-galbeed ee Rafah.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay garaashka dowladda hoose ee magaalada Gaza iyo sidoo kale dhismo ka kooban shan dabaq oo magaaladaas ku yaalla, sida uu ku warramay wariyaha Aljazeera ee qeybta Carabiga Ismaaciil Al-Ghoul.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in horraantii militariga Israa’iil ay dileen ugu yaraan 35 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo tirada dhimashada ka dhigeysa 37,431 duulaanka tan iyo Oktoobar 2023.

Dhanka kale, xaaladda bini’aadantinimo ayaa sii xumaanaysa, taasoo ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulkaas, taasoo keentay in Qaza ay qarka u saaran tahay macaluul.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mother puts arm around son

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here