SANCA (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa duqemo dhanka cirka ah ku qaaday caasimada Dalka Yemen ee Sanca iyagoo ka aar-gudanaya weerarada Xuutiyiintu ka gaystaan xarunta Yuhuuda ee Tel-aviv.
Agaasimaha guud ee Hay’ada caafimaadka Dunida ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inuu ka bad-baaday quqeymahaasi xili uu doonayay inuu diyaarad ka raaco garoonka diyaaradaha Magaalada Sana ee caasimada Dalka Yemen markii weerarku dhacayay.
Sidoo kale Israa’iil waxay beegsadeen bartilmaameedyo millatari oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen, waxaana ka dhashay dhimashada lix qof inkastoo aan la heyn wax intaasi ka sii faah-faahsan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen Yemen ayaa shaaciyay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan yemen.
Dhanka kale Xuutiyiinta jawaab wali kama bixin xili looga bartay inay weeraro ku qaadaan xaruna Israa’iil ee Tel-aviv.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM