HomeWarkiiIsrael oo sheegtay inay dishay taliyihii Xisbullah 

Israel oo sheegtay inay dishay taliyihii Xisbullah 

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye ka tirsan qeybta ka hortagga taangiyada ee Hezbollah, duqaymo ay Isniintii ka fuliyeen deegaanka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan.

bayaan ka soo baxay Yuhuuda ayaa lagu sheegay in Taliyaha ay dileen oo lagu magacaabo Xasan Kamaal Halaawi uu mas’uul ka ahaa weerarro badan  oo ka dhan ahaa shacabkooda.

“Wuxuu fududeeyey dhaq-dhaqaaqa hawl-wadeenada iyo sahayda hubka ee koonfurta Lubnaan, bilihii la soo dhaafay, Halawi wuxuu sii waday inuu ku lug yeesho dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo ka dhan ah rayidka Israel.” ayaa lagu yiri bayaanka

Ururka Xisbullah ayaan weli war cad kasoo saarin sheegashada yuhuua, Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay goor dambe oo isniin ah in hal qof uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsatay gaari marayay deegaanka Qaqayat al-Jisr.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -