HomeWarkiiIsraa'iil oo sheegtay inay soo riday diyaarad hub u siday reer...

Israa’iil oo sheegtay inay soo riday diyaarad hub u siday reer Gaza

War ka soo baxay Milateriga Isra’iil ayaa lagu shaaciyay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo hub u siday kooxda Xamaas e reer Falastiin.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa xusay in diyaaradaan drons-ka ah ay isku dayday hub si dhuumaalaysi ah uga soo galiso xadka Masar ee Israa’iil, islamarkaana ay u geyso Xamaas.

Sida ay baahisay wakaalada wararka AFP warka ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaarada aan duuliyaha lahayn, laga helay afar hub ah iyo rasaas waxaana hubka lagu sameynayaa baaritaan.

Milateriga Israa’iil waxay sidoo kale ku faaneen inay hore uga hor tageen iskudayo la mid ah kan tan oo kale oo si qarsoodi ah hub loogu soo waday kooxda Xamaas ee reer Falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -