Weriyaha Aljazeera ee Dimishiq ayaa sheegay in duqaymo dhanka cirka ah oo Israel gilgishay habeenkii jimcaha ee caasimada Suuriya ay la beegsatay xarunta dhexe ee ciidamada qaybta afraad iyo guuto radar ah oo ku taal baadiyaha u dhow.
Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Dimishiq iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi Jimcihii shalay, iyagoo u dabaaldegaya dhicitaanka Bashaar Al-Asad.
Sawirro cusub oo dayax-gacmeedka la soo qaaday ayaa u muuqda inay muujinayaan ciidamada Ruushka oo qalabkooda ku ururinaya saldhigga ciidanka cirka ee Khmeimim ee gobolka Latakiya ee Suuriya, inkastoo warbaahinta Ruushku ay sheegtay in Moscow ay xiriir la samaysay kooxda mucaaradka ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ayna doonayso inay sii haysato saldhigyada ay ku leedahay dalkaas.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qabsashada Israa’iil ee dhulka Suuriya ee aagga u dhexeeya labada dal.
Dalka Urdun ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeed deg deg ah oo looga hadlayo arrimaha Suuriya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan diblomaasiyiin ka kala socda dalalka Sacuudiga, Ciraaq, Lubnaan, Masar, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qatar, Turkiga, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM