GARISA (DAYNIILE.COM)-War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda ismaamulka Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari-Kenya ayaa looga hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay baraha bulshada lagu faafiyay in la xirey oo xabsiga la dhigay barasaabka Garisa.

Advertisement

Warka Ismamulka Garisa waxaa lagu beeniyay in la xiray barasaabka dowlad deegaankaasi Nathiif Jaamac Aadan.

“waxba kama jiraan wararka sheegaya in barasaabka Garisa la xirey waana warar baraha bulshada lagu faafiyay”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ismaamulka

“Barsaabka ayaa shaqadiisa si caadi ah u wata ,wuxuu gudanayaa waajibnaadka ka saaran shaqadiisa”ayaa lagu yiri war saxaafadedka

Dhanka kale war saxaafadeedka waxaa looga digay dhalinyarada isticmaasha  baraha bulshada inay faafiyaan warar been abuur ah,oo bulshada iska hor keeni kara.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here