=XIGASHO BBC SOMALI=

Haniyeh

Advertisement

Hoggaamiyihii ugu sarreyay Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa shalay lagu dilay dalka Iiraan, sida ay kooxdu sheegtay.

Bayaan ay soo saartay Xamaas waxay ku sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa caasimadda Iiraan ee Tehran.

Sida laga soo xigtay kooxda, Haniyeh ayaa dhintay kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian oo la dhaariyay Talaadadii.

Dhawaqa geerida kadib waxaa soo baxayay dadka ka bixinaya aragtida ku saabsan shakhsiyaddiisa ee sida gaarka ah ula kulmay.

Waxaa kamid ah wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka Galmudug Cabdiqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) oo kula kulmay dalka Turkiga xilli uu halkaasi u joogay howlo shaqo.

kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga ayaa lagu casuumay mas’uuliyiin uu kamid ahaa wasiir Jantalmaan halkaa oo ay ku sheekeysteen isaga iyo Ismaaciil Haniya sida uu ku faah-faahiyay wareysi uu BBC-da siiyay.

“Aniga iyo wasiir kuxigeen ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markaas ku sugneyn Turkiga gaar ahaan Istanbul ayaa naloosoo diray mas’uuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee madaxweyne Erdogan u wakiishay qaban qaabada kulanka, sidaas ayaana uga qayb galnay”, ayuu yiri wasiir Jantalmaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in dowlad kasta oo Islaami ah oo kulankaasi kasoo qayb gasha loo diyaariyay miis gaar ah oo uu suranyahay calanka dalka ay ka socdaan sidaana ay ku fariisteen halkii loo diyaariyay.

“Waxa aan fadhinay miiska afaraad, waxaana mar qura albaabka kasoo galay Ismaaciil Haniyah iyo madaxweyne kuxigeenka Turkiga maadaama madaxweyne Erdogan uusan fiidka hore kulanka joogin, kadib Ismaaciil Haniyah waxa uu si kedis ah isha ugu dhuftay calanka Soomaaliya waxa uu soo dhaafay misaskii kale oo dhan waana uu noo yimid”, ayuu yiri.Haniyeh iyo Erdogan

Madaxdii la socotay Ismaaciil Haniyah waa ay fariisteen oo keligii ayaa noo yimid, laabta ayuu na geliyay labadeennii waxaana uu naga dhunkaday sujuudda, waxa uu nagu yiri miyaad i raaci kartaan? Waxaana uu na geeyay halka uu yaallo makaroofanka”, ayuu sii raaciyay wasiir Cabdiqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan).

Intaa kadib wasiirku waxa uu sheegay in Ismaaciil Haniyah uu labada gacmood qabtay labadooda wasiir ee ka socday Soomaaliya oo kor u taagay isaga oo yiri, “Caawa waxaa inoo marti ah Sharaftii Muslimiinta”, isaga oo kala jeeda Soomaaliya sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya waa walaalo qalbiga, dhiigga iyo laf ahaantaba inoo ah”.

Sidoo kale Ismaaciil Haniyeh ayaa yiri “Soomaalidu waa dad aan jecelnahay, waana dadka kaliya ee ku mideysan taageerada Falastiin shacab iyo xukuumadba oo noo bannaan baxa, salaadda janaasadana noo tukada waliba iyada oo ay dhibaato badan dhexdooda ka taagantahay waana dad aan qalbiga ka jecelnahay oo aan qalbiga ka ognahay”, sida uu wasiirku u sheegay BBC-da.

Intaa kadib madaxweyne kuxigeenkii Turkiga ayaa istaagay oo sacbiyay waxaana la kacay dhammaan mas’uuliyiintii kulanka kasoo qayb gashay oo iyagana bogaadiyay.

Kulankii ducada ayaa soo idlaaday, waxaana markaa uu Ismaaciil Haniyah u yimid labadii mas’uul ee Soomaaliya ka socda isaga oo yiri “ha iga teginnina waan sheekeysaneynaa”.Wasiir Jantalmaan

Wasiir Jantalmaan waxa uu sheegay in markaa kadib ay qol yar la galeen Ismaaciil Haniyah oo gacanta haya waxaana qolka ku jiray madaxweynaha Turkiga oo markaa safar kasoo galay.

Haniyqh ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u sheegay in labadani mas’uul ay yihiin walaalaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Turkiga waa uu noo istaagay oo waxa uu yiri, “Soomaaliya waa walaalo aad u macaan oo afar boqol oo sano aan saaxiib nahay, kaddibna halkaa ayaan ku sheekeysannay inteennii goonnida isula soo baxday oo uu wehlinayay Madaxweyne Erdogan”, ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Cabdiqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan).

Soomaaliya waxaa marar badan ka dhacay dibad baxyo lagu taageerayo shacabka Falastiin loogana soo horjeedo duqaymaha ka dhacaya Qasa.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu ka mid noqotay dalalka ka tacsiyeeyay dilka Haniyah.

Sidoo kale culimada ayaa war ay soo saareen tacsi diray. Shiikh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ah xoghayaha guud ee Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegay , “Ismaaciil Cabdisalaan Axmed, Ismaaciil Haniyah, Ilaahay ha u naxariisto, waxaa waaye nin ay gacan ka xaqdaran dishay, wuxuuna hoggaaminayey dad doonayey halganka ay dhulkooda ku xoraystaan ayuu hoggaaminayey. Ehelkiisii waa ka tacsiyaynayaa, waana ka murugaysannahay” ayuu BBC-da u sheegay Shiikh Cali Wajiis.

                  =XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here