May be an image of 1 person, child, studying and text
ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa xaalad adag ay soo wajahday waxbarashada caruurta iyo guud ahaan iskuuladii dalka Itoobiya sababo la xiriira colaadaha iyo dagalaalada ka holcaya Dalkaasi.
Waxaa la soo sheegayaa inay xirmeen inkabadan lix kun (6000) oo iskuul kuwaasoo sababsaday dagaalada iyo barakaca ka jira gobolada dalka Itoobiya iyaoo jabhadaha hubeysan ay soo qabsanayaan inta badan gobolada.
Sidoo kale  9 milyan oo caruura ayaa sidaas waxbarasho la’aan ugu dhacday marka la eego qiimeynta.
Sagaalka Milyan ee waxbarasha la’aantu ku dhacaday waxaa la sheegay in 4.4 milyan ay yihiin Amxaaro, 3.2 milyan waa Oromo, halka 1.2 milyana ay Tigrey yihiin.
Sidoo kale tirada guud ahaan iskuulada ay saameysay waxbarasha la’aanta marka la eego is badalka cimilada iyo colaada ayaa lagu qiimeeyay inay gaarayaan   10,000 oo iskuul .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here