GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa la soo sheegayaa inuu xalay ka bad-baaday isku dil ay la damacsanaayeen kooxda Alshabaab.
Koox ka tirsan Alshabaab ayaa si dhuumeleysi ah waxay xalay ku weerareen guriga maareeyaha balse wuu ka bad-baaday isku daygaasi dil ama afduub.
Is rasaaseyntii dhex-martay ilaaladiisa iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waxa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah istaafka maareyaha mana jirto khasaare kale oo ka dhashay weerarkaasi.
Ciidamada Maamulka Garbahaareey ayaa durba soo gaaray kuwa maareeyaha walow aysan isku soo gaarin kuwii weerarka soo qaaday,ciidamada waxay howlgab kooban ka sameeyeen nawaaxiga guriga mana jirto cid ay tuhun usoo qabteen.
Alshabaab laftigooda oo sheegtay in weerarkeeni ay ka dambeeyaan ma aysan sheegin inay dileen maareeyaha kaliya inay weerar ku qaadeen bay sheegeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM