Wararka laga helaayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in iska hor-imaad ka dhex dhacay shacab ku jirey kaniisad  ay sababtay khasaare nafeed oo soo kala garay dhexdooda.

Kaniisada oo ku taal ismaamulka deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii ayaa gacmaha la iskula tagay waxaana dhaawacmay ilaa 10 ruux.

Advertisement

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ,waxaa la sheegay in dagaalku ka dhashay markii la isku qabtay lahaanshaha xaruntaasi kaniisadda ah.

Ciidamada amaanka ayaa goobta gaaray waxayna baarayaan sida dhibaatadani ku dhacday iyo cida leh masuuliyad darada sababtay in la isu gacan qaado islamarkaana ugu 10 ruux dhaawacmaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here