=XIGASHO BBC SOMALI=Sokorta

Waxaa muddooyinkan jira dad dhalinyaro u badan oo joojinaya isticmaalka sokorta. Dhowr sababood ayaa tan loo aaneyn karaa, sida isbeddel habka nolosha ah iyo qaadashada cunno ay ku yar tahay kaarboohaydaretiska.

Advertisement

Waxaase laga yaabaa in sababta ugu weyn ay tahay khatarta ay sokorta badan u leedahay caafimaadkeenna.

Inaad yareyso qaadashada sokorta waxay leedahay faa’iidooyin aan la dafiri karin, waxaana ka mid ah kaloriga aad qaadaneyso oo yaraada, taasoo kaa caaiwn karta inaad miisaan iska dhinto iyo sidoo kale inay u fiican tahay caafimaadka ilkahaaga.

Maaddada la yiraahdo carbohydrates ayaa siyaabo kala duwan ku timaadda – sida sokor ahaan, oo si dabiici ah ugu jirta cunnooyinka sida maaddada fructose ee laga helo furutada iyo lactose oo caanaha laga helo.

Dr. Cabdiraxmaan Dhiblaawe oo ku takhasusay cudurrada guud ayaa BBC-da u sheegay in sokorta oo qaadashadeeda laga badiyo xadka loogu talo-galay ay ka dhalan karto miisaanka qofka oo kordha.

“Adduunyadana waxaa la ogaaday in miisaanka oo bata uu siyaadiyo cudurro badan, sida sokorta, dhiig-karka, xubnaha kala goysyada oo xanuuna sababtoo ah culeyska ayaa qofka ku bata, iyo cudurrada kale sida wadnaha,” ayuu yiri.

Jirkeennu ma u baahan yahay sokor?Sokorta

“Erayga muhiimka ah waa inta uu jirku u baahan yahay. Lama oran karo jirka uma baahna, sokorta waxaa isticmaala maskaxdeenna. Maskaxdeenna ma taqaanno cunto kale. Saddexda qaab ee cuntada waa borotiin, dufan iyo sokor. Maskaxdeenna ma isticmaali karto dufanta iyo borotiinka ee keliya waxay isticmaali kartaa in qofka jirkiisu ay sokor ku jirto.

“Haddii ay jirka sokor ka weydo, waxay maskaxdeennu sokor ka dhigataa borotiinka iyo dufanta, marka jirka sokorta waa u lagama maarmaan, laakiin mar walba xaddiga la oggol yahay ayaa ah mid xaddidan,” ayuu yiri.

Isbeddel ku dhaca dheelli-tirka kiimikada ee maskaxda ayaa laga yaabaa inay sabab u yihiin saameynta taban ee ku timaadda qofka iska daaya sokorta.

Sokorta caadiga ah ayuu dhaqtarku sheegay inay habboon tahay in la iska daayo, waana tan lagu darsado shaaha iyo waxyaabaha kale, wuxuuse ku taliyay inaan sidoo kale la joojin cunnooyinka sida dabiiciga ah looga helo, sida caanaha, galleyda, furutada iyo bariiska.

“Waxay dadku moog yihiin in cunnooyinkeenna inta badan ay sokor ka sameysan yihiin, haddii aad keligood cunto ayaga ayaaba sokor badan ay ku jirtaa,” ayuu yiri.

Nooca uu jirkeennu u baahan yahay ayaa lagu magacaabaa glucose, si uu shaqadiisa u qabsado.

Glucose ayay dhaqaatiirtu sheegeen inuu jirku ka helo tamar aad u badan.

Balse looma baahna inaad cunnadaada ku darsato glucose, sababtoo ah jirka ayaa si dabiici ah u sameeya isagoo burburinaya cunnooyinka sida kuwa leh dufanka, borotiinka iyo carbohydrates.

Faa’iidooyinka ay sokortu u leedahay jirka

Xalwo

Marka laga soo tago in sokortu ay maskaxdeenna u fiican tahay, waxaa jira faa’iidooyin kale oo ay jirka u leedahay.

“Tamar ayaan ka helnaa, aan ku dhaqdhaqaaqno oo aan ku soconno maalintii, farxadda inuu qofku faraxsan yahay, maqaarkaaga oo iftiin noqda iyo inay maskxaadu soo jeeddo,” ayuu yiri Dr. Dhiblaawe.

Wuxuu sheegay dhaqtarku in dhibaatada ay sokortu leedahay aysan ahayn sida loo buunbuuninayo.

Maskaxda ayaa la sheegaa inay u baahan tahya maalintii in ka badan 100g oo sokor ah si ay shaqadeeda u wadato.

Sokorta ayaa sidoo kale sare u qaadda dareenka farxadeed ee qofka sida uu dhaqtarku sheegay maaddaama tamar uu jirku ka helayo.

Waxay dhaqaatiirtu sheegaan, in marka uu qofku diiqad dareemayo ay sokortu beddesho dareenkaas, ayna qofka siiso farxad.

Sokorta ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo jirka, iyadoo maqaarka dhintay ka qaadda jirka.

Xiriirka ka dhaxeeya sokorta iyo xanuunka macaanka

macaanka

Dadka cuna xaddi sare oo sokor ah ayaa la sheegaa inay khatar ugu jiri karaa xanuunnada sida macaanka, cudurrada wadnaha iyo kansarka… balse waxaa laga yaabaa in taasi aysan xaqiiqdii sokorta keligeed sababin.

Dr. Dhiblaawey ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo kale oo badan oo sababi kara xanuunnadaas.

“Xanuunka macaanka siyaabo badan ayuu ku yimaadaa, toosna uma keento sokortu. Waxaa laga yaabaa inuu dhaxal u sababo sokorta, qaab-cunteedkiisa hadday miisaankiisa badiso, waxaa yaraanaya dheecaanka insulin-ta,” ayuu yiri.

Waxaa jira labo nooc oo xanuunka macaanka ah. Nooca 1 iyo nooca 2.

Nooca 1 ayay dhaqaatiirtu sheegaan inaysan sababin sokorta caadiga ah, balse ay sababto unugyada soo saara maaddada sokorta jirka xakameysa ee insulin ee ku jirta beer-yaraha uu burburiyo hannaanka difaaca jirka.

Balse nooca 2 ayaa waxaa sababi kara xaddi badan oo sokor ah oo toos loo qaato amaba ku jirta cunnooyinka iyo cabitaannada aan isticmaalno.

Maxaa kugu dhacaya marka aad sokorta iska deyso?

Sokorta

Xigashada Sawirka,Getty Images

Dadka joojiya isticmaalka sokorta ayaa waxay ku yeelataa saameyn taban. Waxaa ka mid ah madax xanuun, daal amaba isbeddel dhanka xaaladda ah.

Sababta ayaa ah isbeddelka ku dhacaya maskaxda ee aan kasoo hadalnay.

“Qofku wuxuu la kulmaa tamarta oo ka yaraata, fahanka qofka oo yaraada, dhaqdhaqaaqa qofka oo yaraada, farxadda oo yaraata, inuu qofku dhidid tiro badan yeesho,” ayuu yiri.

Sokortan saameynta keeneysa ayaa ah sokorta caadiga ah, ee aan ahayn tan dabiiciga ah ee ku jirta cunnooyinkeenna.

“Waa inay dhexdhexaad ahaataa, waxaa la rabaa wax dheellitiran wax la wada joojiyana muhiim maaha wax la wada qaatana muhiim ah,” ayuu yiri.

Qof walba ma iska deyn karaa isticmaalka sokorta?

Sokorta

Dr. Dhiblaawe ayaa sheegay inay jiraan dad aad u isticmaala sokorta, haddana aysan wax saameyn ah ku yeelan.

“Dadkeennu waxay u badan yihiin reer-miyi, waxaa laga yaabaa inay cabaan koob shaah oo ay sokortu ku badan tahay, balse socodkooda ayaa badan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyay in qofka oo sokor badan cuna haddana la fadhiista ay khatar uga imana karto.

“Dadka marka la leeyahay waxan jooji, qofka ayaa la eegayaa, sax maaha in qof walba uu qaato jooji sokorta. Waa inay iska ekaadaan miisaanka iyo dhererka qofka, socodka qofka hadduu badan yahayna ma jirto sabab loo yiraahdo jooji.” Ayuu yiri.

Wuxuu kula taliyay dadka inay dhaqtar la tashadaan, si ay isugu miisaamaan dhererkooda iyo miisaankaadoo, iyo inya u baahan yihiin yareynta sokorta iyo in kale.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here