Isbitaalka Taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar ayaa daah-furay Sheybaarka cusub ee Ilkaha (Dental Laboratory) kaasoo lagu soo kordhiyey qeybta daweynta Ilkaha ee Isbitaalka oo horey u laheyd qalab dhameystiran iyo dhaqaatiir khibrad leh.

Sheybaarkan oo ah mid casri ah ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad ka dhacday xarunta Isbitaalka Dalmar ee magaalada Muqdisho.

Advertisement

Waxaa Munaasabada ka qeyb galay dhaqaatiir, howlwadeeno Caafimaad, Aqoonyahano, xubno metelayey heyado kala duwan iyo masuuliyiinta Isbitaalka.

Guddoomiyaha Guud ee Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar, sidoo kalena ah agaasimaha Machadka Cilmi baarista iyo Horumarinta ee SORDI oo munaasabada ka hadlay ayaa ka waramay muhimada uu sheybaarkan u leeyahay qeybta daweynta iyo qurxinta ilkaha ee Isbitaalka iyo baahida loo qabay.

“Sheybaarka Ilkaha ee lagu soo kordhiyey qeybta dental-ka ee Isbitaalka waa mid casri ah oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, isagoo ku shaqeynaya mashiino casri ah oo laga isticmaalo dunida” ayuu yiri Prof. Dalmar oo sidoo kale ah Barre wax ka dhiga Jaamacada Benadir.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in Sheybaarkan ay soo kordhiyeen ka dib markii ay arkeen baahida weyn ee loo qabo, isagoo xusay inuu meesha ka saarayo habab macmal ah oo markii hore loo farsameyn jiray ilkaha isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka faa’ideystaan.

“Waxaan sidoo Sheybaarkan ka faa’iideysan kara dhammaan xarumaha iyo isbitaalada qaabilsan qurxinta iyo hagaajinta ilkaha, iyagoo soo dirsan kara cabirada iyo noocyada ilkaha ay doonayaan oo si casri ah loogu sameyn doono” ayuu yiri Prof.Dalmar.

Sheybaarka Ilkaha ayaa ka caawin doona dhaqtarka Ilkaha sidii loo soo saari lahaa ilko leh cabir sax ah iyadoo la adeegsanaayo Mishiino casri ah sida CADCAM oo lagu sameeyo ilkaha ugu tayada fiican ee loo yaqaano  Zirconia, waxaa  kaloo lagu sameeyaa Ilkaha caaga ah ee loo yaqaano Denture iyo caaga loogu tala galay dadka Biraha ilkaha iska furay oo loo yaqaano Retainer sida ay sheegeen khubarada ka howlgelaysa sheybaarkan cusub ee casriga ah.

Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka Dalmar Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in sheybaarkan cusub uu wax ka bedeli doono hababkii loo farsameyn jiray ilkaha macmalka ah ayna adeegsan karaan dhammaan dhaqaatiirta ku taqasusay daaweynta iyo qurxinta Ilkaha  ee dalka ka howlgala.

“Hadafka Isbitaalka Dalmar waa in mar walba la daboolo baahida qalab iyo caafimaad ee dalka ka jirta si dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo iney ka maarmaan adeegyadii Caafimaad ee dibeda loo aadi jiray” ayuu yiri Dr. Cabdifitaax.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo dhaqaatiirta ka qeyb galay Munaasabada oo ay ka mid ahaayeen Maamulaha Guud ee Xarunta baaritaanada SAHAN Diagnostic Center Maxamuud Cabdullaahi Diiriye, CEO, Shag Group Of Companies & Mu’assasada Jaamacadda Banadir Abdirahim Abukar Ahmed iyo xubno kale ayaa soo dhoweeyey sheybaarkan cusub oo ay sheegeen inuu sare u qaadayo tayada farsamada Ilkaha iyo qurxintooda, iyagoo Maamulka iyo howlwadeenada Isbitaalka uga mahad celiyey dedaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada Caafimaadka bulshada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here