Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia gaar ahaan Waaxda socdaalka ayaa ka hadleen is-badal yar oo lagu sameynayo Baasa-boorka Soomaaliya madaama Somalia dhawaan ku biirtay Ururka dhaqaalaha bariga Afrika.

Shaqada isbadalka waxaa ku howlan oo u xilsaaran Waaxda socdaalka ee Soomaaliya waxayna haatan ku howlan yihiin habeynta iyo isku duba ridka baasaboorka Soomaaliga ah.

Advertisement

Dr. C/salaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa sheegay ineey jirin wax isbadal ah oo lagu sameyn doono gudaha baasaboorka marka la eego siduu qoran yahay balse wuxuu xusay in lagu qori doono astaan muujineysa in uu yahay baasaboor laga leyahay mid kamida dalalka Bulshada Bariga Afrik.

“baasaboorka Somalia sidiisa ayuu ahaan doonaa waxba lagama badeli doono laakiin waxaa lagu dul qori doonaa astaan muujineysa inaan ka tirsanahay Ururka Dhaqaalaha bariga Afrika” ayuu yiri Dr. C/salaan Cumar Hadliye

Sidoo kale waxaa laga badeli doonaa galka marka la eego kalarkiisii hore sida uu sheegay Mahad Cabdi oo ah la-taliye sare oo ka howlgala hay’adda socdaalka iyo jinsadaha Soomaaliya.

“ma jirito isbadal gudaha ah kaliya qolofka kore ayaa lagu dul qori doonaa magagaca Bariga Afrka sidoo kalana kalarkii horana waa laga badeli doonaa”ayuu yiri Mahdi Cabdi
Masuulkaa wuxuu intaasi ku daray shaqadaan wax ka badalka Baasaboor Soomaaliga inay qaadan karto Sanad ilaa 2 sano.

Dhanka kale Baasaboorada nuucyada kale sida midka diblomaasiga iyo kan seerfiska ee shaqaalaha dowladda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here