TORONTO (DAYNIILE.COM)-Magaagalada Toronto ee dalka Canada  waxaa laga soo sheegayaa in dhawaan la isku rasaaseeyay Xaafada Fallstaff oo Soomaalidu aad u degaan.

Shacabka Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan ayaa durba walaac ka muujiyay xaaladaas amni xumo taasoo keentay dhimashada hal ruux

Advertisement

Ciidamada Booliiska oo goobta soo gaaray ayaan hadana ku guuleysan inay qabtaan kooxihii is rasaaseyntu ku dhexmartay Fallstaff, waxaana la sheegay inay baxsadeen.

Qofka geeriyooday waxaa la sheegay inuusan Soomaali ahayn sida ay sheegtay Idaacada VOA-da laanteeeda afka Soomaaliga.

Booliiska waxaa la sheegay inay ku raad joogaan afar nin oo la sheegay inay ku lug lahaayeen is rasaaseynta goobta ka dhacday taasoo sababtay dhimashada halka ruux oo ilaa hada faahfaahin laga bixin inuu deganaa Fallstaff iyo inuu socota ahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here