In ka badan 480 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay gobolka Waqooyiga Darfur ee dalka Suudaan laba toddobaad gudahood bishan, iyadoo weerarada qaar ay salka ku hayaan isir, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in ay diiwaan geliyeen ugu yaraan 481 qof oo rayid ah oo lagu dilay Waqooyiga Darfur tan iyo 10-kii Abriil iyo in “tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay aad uga badan tahay”.
Waxa kale oo ay sheegtay xad-gudubyo galmo oo baahsan oo ka dhacay gobolka, oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho yaryar, iyada oo ku tilmaantay weerarrada kuwo laga naxo.
“Dhibaatada haysata dadka Suudaan waa ay adag tahay in la qiyaaso, way adagtahay in la fahmo oo si fudud aan macquul ahayn in la aqbalo,” ayuu madaxa xuquuqda ee Qaramada Midoobay Volker Turk ku yiri bayaanka.
Waqooyiga Darfur waxa ay noqotay goob muhiim ah oo dagaal ka qarxay April 15, 2023, kaas oo u dhexeeya ciidamada Sudan, ee uu hogaamiyo Abdel Fattah al-Burhan, iyo jabhada Rapid Support Forces (RSF), oo uu hogaamiyo ku xigeenkii hore ee al-Burhan, Mohamed Hamdan Daglo.
Tobanaan kun ayaa lagu dilay dagaalka, kaasoo dhaliyay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.