Duqeymaha oo ahaa laba saalbo ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Puntland in lagu beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa deegaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad.
Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska howlgalada Ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid Saad u siday kooxda.
“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska howlgalada Ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland.
Duqeymaha Xalay ka dhacay deegaanka Sheebaad ayaa lasoo warinaya in xubnaha lagu dilay ee Daacish ay yihiin kuwa u badan Ajaaniib, waxaana xusid mudan in todobaadyadii lasoo dhaafay kooxda Daacish in looga dilay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari xubnahii ugu badnaa ee ajaaniibta Daacishta ku sugan Soomaaliya.