MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir.
 35,307 ardey ayaa u fadhiistay maanta imtixaankaani kuwaasoo ka kala tirsan ilaa 656 iskuul ,waxaana wiilal ah 19,766 halka gabdhuhuna ka yihiin 15,541.
Dowlada Soomaaliyay ayay u noqoneysaa sannadkii 5-aad oo ay qaadayso imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.
Iskuulada qaar uu saaka socdaalka shaqo ku tagay Gudoomiye Yabooh ayuu ardeyda fasalada u qeybiyay waraaqaha imtixaanka.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here