Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa mar kale shaacisay inay bilyanis kale amaahineyso Dowlada Ukraine oo dagaal kula jirta Dowlada Ruushka oo ka mida dalalka Dunida dhanka dagaalka iyo hubka ugu awooda badan.

IMF waxay xusay jimcihii shalay inay aqbashay siinta Ukraine lacag dhan $2.2 bilyan oo dollar  oo amaah kale ah xili hore ay sidaas oo kale u siisay bilyanis Doolar.

Advertisement

Hay’adda lacagta adduunka waxay intaasi ku dartay inay soo dhamaatay heshiis maaliyadeed ay la galeen Dalka Ukraine, taasoo keentay inay ansixisay bixinta lacagtaan.

Wadarta guud lacagaha IMF ay ilaa iyo hadda siisay Ukraine ayaa la sheegay inay tahay $7.6 bilyan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here