Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF ayaa amartay in Dowlada Soomaaliya la siiyo $10 Milyan oo deg-deg ah  si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Talaabadaan ay qaaday IMF ayaa soo dedejisay kadib markii  Guddigeeda sare uu dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos tagta barnaamijka dayn cafinta  Soomaaliya.

Advertisement

IMF waxay sidoo kale sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024 marka loo eego sanadkii ka horeeyay ee 2023 oo dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 2.8%.

Dhanka kale warsaxaafadeed ka soo baxay IMF ayaa aad loogu amaanay Dowlada Soomaaliya marka la eego horumarkeeda dhanka daqliga.

“Dowlada Somalia waxay horumarisay dib u habeynta daqligeeda dhaqaale iyo ajandaheeda dib-u-habaynta dhanka waxqabadka,waa inay joogteyso maamulka maaliya , xoojinta daqliga iyo kow u qaadida tirakoobka”ayaa lagu yiri warsaxafadeedka IMF.

“qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya ayay waafaqsan tahay taageeradan iyo hiigsiga fog ee dowladda” ayaa mar kale lagu yiri warka IMF .

Sidoo kale Hay’ada Lacagta Adduunka ee IMF waxay xustay in lacagtaan ay ugu deeqay Soomaaliya la marsiin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa bishii December sanadkii 2023-kii waxaa laga cafiyay demankii dalka ee mudaba lagu lahaa taasoo guul weyn u ahayd dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here